Tartan xiiso badan leh oo loo qabtay Ragga Bidaarta leh (Daawo Sawirro)

Dalka Japan waxaa ka jira tartamo kala duwan oo qaarkood ay leeyihiin la-yaab sunniyaha lala taago. Tartanka Bidaarta ayaana hadda kamid noqday.

Gu’yaalihii lasoo dhaafay, Jabaaniiska bidaarta leh ma waayin sifo iyo hab ay gaarnimadooda iskugu maaweeliyaan. Waxaa loo sameeyey tartan koob jiid ah oo labadii bidaar leh madaxyadooda lagu kala dhejiyo quraarado cufeysan oo dabada ku leh xarig dheer oo isku xiraya labada qofood.

Kii awood u yeesha inuu bidaartiisa xooggeeda kusoo rujiyo quraaradda kale ee ku dhegan bidaarta saaxiibkiisa la tartamaya ayaa noqda guuleystaha. Mararka ragga timaha yar xattaa way ka qeyb galaan tartanka. Wuxuu qabsoomayaa markii saddexaad. Waxaana uu soo jiitay indhaha kuwa bidaarta leh.

Dad badan oo Soomaaliya ku nool waxay lacag adag maalmahan ku bixinayaan inay beertaan timo si ay bidaarta ula dagaallamaan. Laakiin halkan, kuwa bidaarta leh majiro wax ka lumaya oo aan ka ahayn in tartanka looga adkaado.

Tartanka wuxuu ahaa mid teelteel u qabsooma taniyo sannadkii 1989-kii. Laakiin si xiriir ah ayaa hadda loo qabtaa. Malaha waxaa xiiso muujinaya kuwa bidaarta leh oo raba inay markooda ku ciil baxaan timo la’aantooda.

In kasta oo bidaartu ay dadka qaar ka qaaddo qabka nolosha, isku kalsoonaanta qofnimo iyo dhexgalka bulshada, haddana hadafka kooxdan qabanaysa tartanka ayaa ah inay dareensiiso bidaarlayaasha inay dunida waxtar kale oo maaweelo ku yeelan karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -